3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay saraakiil ajaanib ah oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab

 

Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ay dileen saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Howlgalka oo ay ciidamadu ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayeey saraakiishu sheegeen in ay ku dileen ilaa 17 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah.

Magacyada ragga howlgalkan lagu dilay ayaa lagu sheegay Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa kuxigeenka Sarkaalka  Jabhadaha  Al-Shabaab una dhashay Dalka Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab, iyo Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta  Jabhada Al-shabaab.

Laakiin dhinaca Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada saraakiisha dowladda ee dilka saraakiishan ajnabiga ah ee la sheegay in ay ka tirsanaayeen.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin Ururka Al-shabaab, waxaana inta badan ka dhacay iska horimaadyo iyo dagaallo u dhaxeeya labada dhinaca.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     

 














Click here
12/13/2020 4:31 PM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Qoraal la soo galiyay bogga Twitter ka Wasarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 20 bishan December, dalka Jabuuti lagu qaban doono shir uu soo qaban-qaabinayo Urur gobolleedka IGAD kaasoo looga wada hadlayo xiisada Diblomaasiyadeed ee labada dal Soomaaliya iyo kenya.

12/13/2020 12:19 PM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Siddeed qof oo kala ah askar iyo shacab ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay irida hore ee xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

12/13/2020 11:54 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland, ayaa is-afgarad ka gaaray arrimaha waxbarashada, iyadoo dowladdu ku dhawaaqday in ardayda reer Puntland loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federalka.

12/13/2020 10:10 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa daah furay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Maxamed Xijaar oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha guddiga Amniga Doorashooyinka dalka.

12/13/2020 8:25 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muusa Biixi Cabdi ayaa galabta gaadhay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka helay caasumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Kenya.

12/13/2020 2:12 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Puntland ayaa diiday in ay soo magacowdo guddiga doorashada heer dowlad goboleed, iyadoo ku adkaysanaysa in dowladda federalka iyo dowlad goboleedka iskugu yimaadaan shir wada tashi oo looga arrinsanayo wixii ka fuli waayay heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu galay.

12/13/2020 1:57 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Ciidamada badda Puntland qeybtooda la dagaalanka argigixisada ayaa dib ula wareegay degaano kuyaala gobolka Sanaag oo ay maalmo ka hor ay qabsadeen dagaalamayaal kooxda Al-shabaab.

12/13/2020 12:34 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa ku dhawaad sanad kaddib waxaa ay shaaciyeen magacyada Raggii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday Hotelka Dusit2 ee magaalada Nairobi bishii Janaayo sanadkii 2019ka