3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Madaxweyne Laftagareen oo Wasiirro cusub magacaabay

 

Sabti, December, 12, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa xilalka ka qaaday qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirrada  isaga oo dhinaca kale magacaabay Wasiirro cusub.

Madaxweyne Laftagareen ayaa u magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax in uu noqdo Wasiirka Dhalinyarrada iyo Cayaaraha.

Cali Maxamed Cali ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Wasaarradda Dekedaha, halka Cumar Axmed Aadan uu noqonayo Wasiirka Dastuurka.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in sababta sidan isbadalkan loo sameeyay tahay dardargalinta howlaha golaha fulinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
12/12/2020 5:09 PM EST
Sabti, December, 12, 2020 (HOL) - Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu shaaciyay magacyada Wasiirro iyo Xildhibaanno hore oo la sheegay in ay ku maqan yihiin hanti dowladdu leedahay oo dhamaantood ah gaadiid u badan kuwa aysan rasaastu karin.

12/12/2020 8:12 AM EST
Sabti, December, 12 2020 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa lagusoo gabagabeeyay shir socday labo maalin oo looga wada tashanayay Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.

12/12/2020 7:42 AM EST
Sabti, December, 12 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa mar kale ku celiyay in uusan dalku gelidoonin firaaq dastuuri islamaarkana barlamaanka hadda jira uu sii joogidoono inta laga dhaarinayo barlamaanka 11-aad.

12/12/2020 4:33 AM EST
Sabti, December, 12 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

12/12/2020 3:29 AM EST
Sabti, December, 12 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Jimcihii soo saaray cajalad fiidiyoow ah oo muujineysa saameynta duqeymihii cirka ee la qaaday 10-kii Dec ee lagu dilay sideed khabiir oo Al-Shabaab katirsanaa oo ku xeel-dheeraa walxaha qarxa.

12/12/2020 12:08 AM EST
Sabti, December, 12, 2020 (HOL) - Dad badan oo uu saameeyay cudurka Covid 19 oo ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa xiliggan diyaar u ah in ay qaataan tallaalka loogu tala-galay cudurka in lagu daweeyo oo ay dowladdu dhaqan -galisay.

12/12/2020 12:06 AM EST
Sabti, December, 12, 2020 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku tilmaamay asalka khilaafka Hirshabeelle Dib-u-heshiisiin la'aan.

12/12/2020 12:03 AM EST
Sabti, December, 12 2020 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarradda Waxbarashada ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in marnaba shacabka gobolka Hiiraan ku qanci doonin sida uu hadalka u dhiggay maamulka Hirshabeelle.