4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Mareykanka oo ansixisay adeegsiga tallaalka looga hortagayo cudurka Covid 19

 

Sabti, December, 12, 2020 (HOL) - Dad badan oo uu saameeyay cudurka Covid 19 oo ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa xiliggan diyaar u ah in ay qaataan tallaalka loogu tala-galay cudurka in lagu daweeyo oo ay dowladdu dhaqan -galisay.

Hey’adda cuntada iyo Dawooyinka Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa shaacisay tallaalkaan waxaana hadda bilaabmaya daabulista dawada tallaalkan oo ay sameyntiisa iska kaashadeen shirkadaha dawada farsameeya ee kala ah Pfizer oo Mareykan ah iyo shirkadda BioTech oo laga leeyahayJarmalka.

Dhawaan dalka Ingarsiiska waxaa tallaal cudurkan lagu daweynayo qaatay qofkii ugu horeeyay oo noqotay haweeney 90 sano jir ah, waxaana muuqata rajo badan oo laga qabo in ugu danbeyntii cudurkan dawo loo hello.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa la tacaalaya sidii maaro loogu heli lahaa cudurkan oo noqday mid saf mar ah oo xudduudaha isaga gudba.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]