4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Cali Cabdullaahi Cosoble '' Khilaafka Hirshabeelle waxaa asal u ah dib-u-heshiisiin la'aan

 

Sabti, December, 12, 2020 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku tilmaamay asalka khilaafka Hirshabeelle Dib-u-heshiisiin la'aan.

Cali Cabdullaahi ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn ka timid Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo sheegay in madaxweynayaashii hore ee Hirshabeelle dhibaato ku qabaan ku maamulkan Hirshabeelle.

''Eedeyntaasi ma'aha mid sax ah waqtigii aan madaxweynaha ka ahaa Hirshabeelle si wanaagsan ayaan uga shaqeeyay labada gobol ,wax dhibaato ahna kuma qabin, Cabdullaahi Goodax isaga ayaa mas'uul ka ahaa dhamaanba qaladaadkii dhacay bilowgii dhismaha maamulkan'' ayuu yiri Cali Cabdullaahi.

Waxaa uu ku taliyay in xiisada la qabooniyo lagana wada-shaqeeyo dib-u-heshiisiin isagana uu ka shaqeyn doono arintaa iyada ah.

''Waxaa ii qorsheysan in aan taggo Jowhar in aan taggo Beledweyne si labada dhinac leysugu soo dhaweeyo maamulkanna uu u noqdo mid shaqeeya oo heshiis lagu wada yahay'' ayuu yiri Cosoble.

Waxaa siweyn maamulkan uga horyimid jabhada uu hoggaamiyo Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo diiday in uu magaalada Beledweyne taggo  madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]