4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay oo lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe


Jimco, December, 11 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa galabta casir liiqii gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana  halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweyne Deni ayaa soo dhowaynta kadib sheegay in ay Puntland fursad u tahay in raysal wasaarihii Soomaaliya iyo wafigiisa ay Garowe kusoo dhoweeyaan, isagoo sheegay in ay wax badan oo doorashada ku saabsan ka wada hadlidoonaan.

Raysal Wasaare Rooble oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in ay ahmiyad u leedahay imaatinkooda Garowe, isagoo Puntland uga mahad celiyay sida loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe oo ay goor dambe oo gabal dhicii ah ay gaareen.

Raysal wasaaraha Rooble ayaa Garowe u tagay sidii uu Puntland u gala hadli lahaa tabashada iyo saluug ay ka muujinayso sida ay dowladda federalka u maamulayso hannaanka lagu heshiiyay ee doorashada.

Puntland ayaan weli Muqdisho u dirin xubnihii u matali lahaa guddiyada doorashada heer federal iyo heer dowlad goboleed, waana arrimaha raysal wasaaruhu u tagay halkaas si xal laga gaaro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]