4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2020
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay gargaar gaarsiineyso gobolka Tigrayga

 

Jimco, December, 11, 2020 (HOL) -Iyadoo laga deyrinayo xaalada bani'aadannimo ee gobolka Waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigray, ayeey xukuumaddu sheegtay in ay gargaardeg deg ah u direyso dadka halkaa ku tabaaleysan.

Qarramada Midoobey ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in ay ka jirto gobolka xaalad bani'aadannimo oo aad u darran, waxaana lagu eedeeyay dowladda Itoobiya in ay marar badan oo hore is hortaagtay gargaar loo waday dadka halkaa ku go'doonsan.

Laakiin dhinaca Itoobiya eedeyntaa uga timid Qarramada Midoobey waa ay beenisay, balse waxaa ay sheegtay ay aheyd in arintaa iskaashi laga sameeyo.

Marka laga soo taggo dadka ku dhintay dagaalka gobolka Tigrayga waxaa jira kumannaan ruux oo dalka isaga carraray halka tiro kale oo intaa ka sii badanna wajahayaan daruufo dhinac nolasha ah.

Abiy Ahmed ayaa dhawaan sheegay in dowladdiisa ka warqabto dhibaatada dadka shacabka ah ku heysata gobolka isaga oo intaa ku darray in sida ugu dhaqsiyaha badan looga jawaabi doono baahiyaha jira.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]