4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2020
Madaxweynaha Galmudug oo guddi baaris ah u magacaabay dhacdadii lagu laayay saraakiisha ciiddanka xoogga
 

Jimco, December, 11 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa guddi ka kooban shan xubnood u magacaabay baaritaanka iyo ka gun-gaarida dil-wadareedkii loo geystay saraakiil katirsan ciiddanka xoogga.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa wuxuu guddigan u xilsaaray inay baaris dhameystiran kasoo sameeyaan falka lagu laayay saraakiisha ciiddanka xoogga dalka, wuxuuna hay’addaha Galmudug ku amray in ay la shaqeeyaan guddigan.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Mocalin Fiqi ayaa guddoomiye u ah guddigaan oo ay ka dhex muuqdaan taliyayaasha laamaha amniga iyo caddaalada.

Warar Hiiraan Online ay helayso waxay sheegayaan in ciidamada amnigu gacanta ku dhigeen shakhsiyaad looga shakisan yahay inay kamid yihiin dableydii ka dambeysay dilka saraakiisha, kuwaas oo lagu qabtay howlgal ciidanku sameeyeen.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo cuqaasha dhaqanka waqooyiga Galgaduud oo kulan wada qaatay, ayaa isku raacay in kiiska ka dhacay looga dambeeyo maamulka Galmudug, si caddaalada loo horkeeno dambiilayaasha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]