3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Garowe
 

Jimco, December, 11 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Safarkaan oo qeyb ka ah safarro raysal wasaaruhu ku marayo caasimaddaha dowlad gobleedyada ayuu wuxuu ku saabsan yahay dardar galinta geeddi socodka doorashada iyo xallinta tabashooyinka laga muujinayo hannaanka doorashada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa shalay Garowe ugasii hormaray raysal wasaaraha, waxaana maanta magaalada Garowe laga dareemayaa soo dhowaynta raysal wasaaraha.

Raysal wasaaraha oo ay u noqonayso safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagayo Puntland, isagoo raysal wasaare ah, ayaa halkaas ku sugnaan doona muddo labo cishe ah, isagoo wada hadal la yeelandoono madaxda Puntland.

Puntland ayaa kamid ah maamulada aan weli dirin guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, iyagoo ka walaacsan qaabka hannaanka doorashadu ku socdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/31/2021 11:29 PM EST
- KU JIR CAAFIMAAD QAB OO KA HORTAG FAAFITAANKA COVID-19

12/11/2020 12:16 PM EST
Jimco, December, 11 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa galabta casir liiqii gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.

12/11/2020 11:04 AM EST
Jimco, December, 11, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka saraakiishii maalin ka hor lagu laayay weerarkii ka dhacay gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya

12/11/2020 10:09 AM EST
Jimco, December, 11, 2020 (HOL) -Iyadoo laga deyrinayo xaalada bani'aadannimo ee gobolka Waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigray, ayeey xukuumaddu sheegtay in ay gargaardeg deg ah u direyso dadka halkaa ku tabaaleysan.

12/11/2020 9:58 AM EST
Jimco, December, 11, 2020 (HOL) -Wararka ka imanaya degmada Tiyeegloow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogteen Nin ay ku sheegeen in uu saxiroole ahaa.

12/11/2020 5:58 AM EST
Jimco, December, 11 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa guddi ka kooban shan xubnood u magacaabay baaritaanka iyo ka gun-gaarida dil-wadareedkii loo geystay saraakiil katirsan ciiddanka xoogga.