3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Afar Askari oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay degmada Wanlaweyn

 

Khamiis, December, 10, 2020 HOL) -  Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in Afar Askari oo ka tirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed lagu dilay weerar lagu qaaday barkoontarool oo ay ku sugnaayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dagaalku qarxay subaxnimadii Khamiistii maanta kaddib markii rag hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo k atirsan maamulka Koonfur-galbeed oo ku sugnaa bar kontorool oo ku taal Wanlaweyn sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal.

Dagaalka ayaa socday muddo saacad ah ka hor inta aysan maleeshiyaadka isaga baxsan goobta ay ku dileen Afarta Askari.

Ma jiro wax  war ah oo ka soo baxay maamulka degmada deegaanka, iska horiamadkan ayaa daba-socday weeraro is xig-xigay oo lagu qaaday fariisimo ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose kaa soo galaaftay nolosha tobanaan ruux

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
12/10/2020 12:50 PM EST
Khamiis, December, 10, 2020 (HOL) - Warar naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab dad shacab ah ka afdu afduubteen deegaan lagu magacaabo Milxo saqdii dhexe ee xalay.

12/10/2020 11:51 AM EST
Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa fuliyay labo duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameesaday khubaro katirsan al-Shabaab oo qaraxyada sameeya, waxayna duqayntu ka dhacday agagaarka Jilib.

12/10/2020 11:48 AM EST
Khamiis, December, 10, 2020 HOL) - Waxaa xabsiga magaalada Hargeysa laga sii daayay milkiilaha TV-ga Astaan oo bishii hore maxkamada gobolka Maroodi-Jeex ku xukuntay 5 sano oo xarig ah.

12/10/2020 10:53 AM EST
Khamiis, December, 10, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin ka ganacsiga maandooriyaha oo sida ay sheegtay dabagal adag lagu sameyn doono dadka ka ganacsada iyo kuwa soo dajiya intaba.

12/10/2020 7:44 AM EST
Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Maxamed Cali Afgooye, ayaa maanta sheeggay in aysan baaritaan ku samaynin raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo 25-kii bishii julay xilka looga qaaday mooshin barlamaanka uu kasoo gudbiyay.

12/10/2020 4:28 AM EST
Khamiis, December, 10, 2020 (HOL) -Ganacsatada Qaadka ee dowladda Kenya ayaa ku cadaadinaya madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta in uu dhaqse u bilaabo wada hadallo ku saabsan sidii ay dowladda Soomaaliya u fasixi laheyd Qaadkii loo dhoofin jiray.

12/10/2020 1:24 AM EST
Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Labo sarkaal oo ka badbaaday weerarkii shalay lagu dilay saraakiil katirsanaa ciiddamada xoogga, ayaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo iyagoo nool kadib markii ciidamadii katirsanaayeen ay illaa xalay ka baadi goobayeen goobtii uu weerarku ka dhacay.

12/10/2020 1:04 AM EST
Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ahaa Taliyihii Danab hadii, kadib markii lagu waayay dambiyadii loo haystay.

12/10/2020 12:07 AM EST
Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in 7 sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku dhinteen weerarkan oo dhacay galinkii danbe ee shalay.