4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya oo beeniyay in ay baaritaan ku sameeyeen raysal wasaaarihii hore ee Soomaaliya
 

Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Maxamed Cali Afgooye, ayaa maanta sheeggay in aysan baaritaan ku samaynin raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo 25-kii bishii julay xilka looga qaaday mooshin barlamaanka uu kasoo gudbiyay.

Hanti-dhowraha oo maanta sii daayay warbixin sannadle ah ayaa warbaahinta horteeda ka beeniyay warkaas, balse wuxuu sheegay in raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ka dalbaday in hanti dhowrku warbixin kasoo diyaariyo xafiisyadda uu la wareegayo.

“Raysal Wasaaraha cusub maadaama uu ku cusub yahay xafiiska, wuxuu naga codsaday in aan siinayo warbixin ku saabsan marxalada uu ku jiro xafiiska raysal wasaaraha, mana ahan wax la xiriiray baaritaan quseeya raysal wasaarihii meesha ka baxay iyo cid kaloo ka tirsan xafiiska,” ayuu yiri hanti-dhowraha guud ee Qaranka.

Xasan Cali Kheyre oo hadda kamid ah murashixiinta madaxtinimada ayaa horey isaga fogeeyay eedeymo musuq maasuq oo loosoo jeediyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]