4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Saraakiil la socday saraakiishii lagu laayay gobolka Galgaduud oo la helay iyagoo nool
 

Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Labo sarkaal oo ka badbaaday weerarkii shalay lagu dilay saraakiil katirsanaa ciiddamada xoogga, ayaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo iyagoo nool kadib markii ciidamadii katirsanaayeen ay illaa xalay ka baadi goobayeen goobtii uu weerarku ka dhacay.

Saraakiisha la helay ayaa lagu kala magacaabaa labo xiddigle Qalbi Indha taag iyo gaashaanle Warsame Xassan, waxayna ka tirsanaayeen Qaybta 21-aad ee ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Falka lagu laayay saraakiisha ayaa ugub ku ah deegaanada Galmudug oo inta badan ay ka dhacaan dilal ku salaysan aanooyin qabiil, kuwaas oo maaro loo layahay.

Saraakiisha la laayay oo kasoo jeeda Balanbale, ayaa kamid ahaa ciiddamo iyo saraakiil uu tababar ugusoo xirmay degmada Dhuusomareeb, waxaana weerarka lala beegsaday xilli ay kusii jeedeen degaanadooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]