4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020
Dib u dhac ku yimid jadwalka doorasho ee Soomaaliya

 

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Waxaa muuqanaya dib u dhac ku yimid guud ahaan jadwalka doorashada 2020-21 oo ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.

Maanta oo ay taariikhdu ku beeggan tahay 01 bisha December, sanadka 2020 ayuu qorshuhu ahaa sida ku cad jadwalka doorashada in gobollada dalka iyo caasimada Muqdisho ay ka bilaabato doorashada xildhibaannada Aqalka sare, halka xildhibaannada Golaha Shacabkuna qorshuhu ahaa in la soo doorto 10-27ka isla bishan December.

Laakiin guud ahaan dalka kama muuqato ififaalo doorasho oo xitaa waxaan wali laga heshiinin guddiyadii doorashada ee arrimahan ka shaqeyn lahaa oo dowlad gobolleedyada qaarkood diideen in ay soo magacaabaan xubnihii dhankooda laga sugayay.

 

Dib u dhacan bilowga ah ayaa muujinaya dib u dhac guud oo ku iman kara jadwalka doorashada oo ugu danbeyn aheyd in madaxweynaha la soo doorto 08 bisha Feberaayo ee sanadka 2021 oo ku eg muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda ayaa dhawaan sheegtay in mas'uuliyada dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada ay qaadi doonaan madaxda dowlad gobolleedyada aan wali soo magacaabin guddiyadii laga sugayay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]