4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2020
Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay sharciga dambiyada Galmada oo baarlamanka horyaala
 

Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa  muujiyey walaaca ay ka qabaan sharciga cusub ee loogu magac daray sharciga dambiyada galmada la xidhiidha.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay sharcigaan inuu oggolaanayo guurka carruurta, kana hor imaanayo heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira.

Xafiiska QaramadaMidoobay ee Soomaaliya ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada ee dalka in aydib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah.

Markii barlamaanka la horkeenay xeerkaan, ayaa in badan oo katirsan mudanayaasha barlamaanka waxay diideen in laga doodo.

Qaar kamid ah ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in barlamaanka la horkeeno sharci xad gudub ku ah diinta iyo dhaqanka.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa sheegay sharcigaan inay barlamaanka usoo gudbiyeen xukuumada Soomaaliya islamarkaana ay ku jiraan qaladaad.

“Sharcigaan xukuumadaayaa noosoo gudbisay, waxaana ku jira qaladaad badan, waxaa loo baahan yahay meeshii aan dib ugu celin lahayn iyaga, inaan anagu saxno oo ka saarno wixii qalad ah,” ayuu yidhi gudoomiye Muudey oo xildhibaanada ku qanciyay in ay soo aqristaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]