3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2020
Talyaaniga oo oggolaaday lix milyan oo dollar inuu ku bixiyo ka hortaga fatahaada Baladweyne


Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiirku xigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya ambassador Tabio Massimo waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada arrimaha Fatahaada Beledweyne.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruuca ka hortaga Fatahaada oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar.

Safiirka ayaa u sheegay Madaxweynaha in lacagtaas dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay doonayaan dadka reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto Fatahaadaha Beledweyne ee soo noqnoqday.

Madaxweyne Waare ayaa kaga Mahad celiyay Caawimaada Talyaaniga, waxaana uu sheegay in aqbaarta la xiriirta ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Daadadka Beledweyne ay ka dhigantahay guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira arrimaha Fatahaada.

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soomarsiinayaa oo fulinaya Hey'adda Cunada iyo Beeraha Ee FAO.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/8/2020 8:09 PM EST
Warar aan ka helnay illo xogogaal ah ayaa HOL u sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mary in la joojiyo go’aan ay Golaha Wasiirada xukumadda Soomaaliya ay xayiraadda uga qaadi lahaayeen shixnadaha Qaadka keena.

8/8/2020 6:44 PM EST
Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan sharciga cusub ee loogu magac daray sharciga dambiyada galmada la xidhiidha.

8/8/2020 5:16 AM EST
Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay qorshaha ay Masar rabto inay saldhig milatari kaga sameysato dhul ku yaal gobolka Bariga Afrika uu halis ku yahay danaha Itoobiya.

8/8/2020 3:53 AM EST
Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, ayaa waxay ka tacsiyeysay qoysaskii dhibaatadu kasoo gaartay dabeylo ku dhuftay xeebaha badweynta ee gobolada Jubbooyinka.

8/8/2020 3:30 AM EST
Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka.

8/8/2020 1:44 AM EST
Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - In kabadan 150,000 oo Soomaali ah ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan guryahooda ilaa dabayaaqadii bishii 6aad, oo ay ku jiraan ilaa 23,000 usbuucii la soo dhaafay oo kali ah, kadib daadad iyo fatahaado ku dhuftay gobollada Koonfurta Soomaaliya.