4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 7 , 2020
Diyaar garow furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka Galmudug oo Dhuusamareeb ka socda
 

Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Maalinta Isniinta ah ee soo socota waxaa furmaya Kal-fadhiga Baarlamanka maamaulka Galmudug ee Soomaaliya, waxaana iminka magaalada Dhuusamareeb ka soconaya diyaar gorowka munaasabaddii lagu furi lahaa.

Waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka socota Baarlamanka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada qaar , sida HOL ay u sheegeen ila wareedyo ka tirsan maamulka Galmudug oo Caasimadda dowlad goboleedkaas ku sugan.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa waxa uu maanta magacaabay Guddi xildhibaanno ah oo ka shaqeyn doona agaasinka munaasabadda furitaanka Kal-fadhiga. Waxayna ka koobanyihiin shan mudane.

Shaqada Guddigaan ayaa waxaa kamid noqon doona iney casuumaad u fidiyaan dhammaan dhinacyada xafladda kasoo qeyb-gali doona.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]