3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 7 , 2020
Ciidamada dowladda oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay jubada hoose
 

Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Ciidamada kumaandooska Danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxay sheegeen in howl-gal saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen Gobolka Jubada hoose ay kula wareegeen deegaanka birta dheer oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.

Taliyaha guutada 16-aad G/le Ismaaciil cabdiqaadir Maalin ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda hadda ay maamulayaan deegaanka ay la wareegeen.

"Wuxuu ahaa howl-gal si wanaagsan loo diyaariyay, ururka 5-aad ee guutada 16-aad waxay xaqiijeen guulo waaweyn" ayuu u sheegay warbaahinta.

Wuxuu intaa ku daray iney sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale ma jiraan war kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaa guulaha ciidamada dowladda ay sheegeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/7/2020 1:51 PM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Howlahaan lagu hagaajinaayo wadooyinka siilada qudaarta lagu iibiyo ee magaalada baledweyne ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya ganacsatada suuqa qudaarta baledweyne iyo maamulka dowlada hoose oo ay hogaamineyso duqa magaalada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin.

8/7/2020 11:51 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Maalinta Isniinta ah ee soo socota waxaa furmaya Kal-fadhiga Baarlamanka maamaulka Galmudug ee Soomaaliya, waxaana iminka magaalada Dhuusamareeb ka soconaya diyaar gorowka munaasabaddii lagu furi lahaa.

8/7/2020 10:50 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Wasaaradda gaadiidka ee maamulka Galmudug ayaa waxay la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, sida mas’uulinta wasaaraddaas ay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ay u sheegeen.

8/7/2020 10:42 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta magaalada Hargeysa kula kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Shiinaha, waxayna ka wada hadleen arrimaha maal-gashiga iskaashiga labada dhinac iyo sidii ay u heli laheyd saaxiibbo maal-gashi oo caalami ah .

8/7/2020 4:03 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga maamul Goboleedka Jubaland Ibraahim Cabdi Xasan ayaa waxa uu sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen xeebaha Raas kaambooni ee Gobolka Jubada hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

8/7/2020 3:47 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Qorsho Xasan, oo ah bare Soomaaliyeed oo haysata dhalashada Maraykanka ayaa loo magacaabay macallinka sannadka ee gobolka Minnesota, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee ku guuleysta abaalmarintan.