4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 6 , 2020
Guddoomiyaha maxkamadda madaniga ah ee Gobolka Hiiraan oo gaaray degmada Buula burte


Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo  guddoomiyaha maxkamadda madaniga ah ee Gobolka Hiiraan  Cabdiraxiim Muxumed Taakooy ayaa maanta gaaray magaalada Buula-burte , waxaana soo dhoweeyay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybo kamid ah bulshada ku nool degmadaas.

Guddoomiye Taakooy iyo mas’uuliyiintii la socday ayaa waxay warbaahinta u sheegeen iney u tegeen Buula burte arrimo la xiriira garsoorka iyo maxkamadaha.

“Waxaan u imaannay Buula burte sidii aan u tayeyn laheyn arrimaha garsoorka iyo maxkamadaha “ ayuu yiri gddoomiye Taakooy oo weriyayaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha.

Dhinaca kale Guddoomiyaha maamulka degmada Buula burte ee Gobolka Hiiraan Feysal Haajir Aadan ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta garsoorka Gobolka Hiiraan ay gaareen  magaaladaas xilli si weyn loogu baahnaa.

Waxaa la filayaa in dhowaan wafdigaas ay ka bilaabaan Buula burte dhageysiga kiisas dacwadeed  cadaaladda horyaalla. Waxayna magaaladaas kamid tahay degmooyinka muhiimka ah ee Gobolka Hiiraan, ee u baahan in la geeyo adeegyada dowladnimada.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]