3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 6 , 2020
Daadad barakiciyay dadka kunool tuulada Bayaxow ee Gobolka Shabeellada dhexe
 

Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Badi dadkii kunoolaa tuulada Bayaxow oo hoostagta magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa ka barakacay guryahooda, kadib markii uu ku fatahay webiga shabeelle.

Roobab xooggan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Gobolka iyo webiga oo karkaarrada jabsaday ayaa sababay in bedi xaafadihii dadku ay deganaayeen uu daad kusoo rogmado.

Mas’uuliyiinta deegaankaas iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxay codsanayaan in loo samafalo dadka biyaha kasoo cararay oo hadda wajahaya xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

Shacabka ku nool tuulada Bayaxow ayaa waxay yihiin beeraley ku noolaa tacabka, waxaana sanadihii ugu dembeeyay saameeyay isbedalka cimilada ee Gobolka geeska Afrika.

Wararka aynu ka heleyno deegaankaas waxay sidoo kale sheegayaan beero fara badan ay hadda daadadku jareen.

Dhinaca kale, dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa waxay odoyaasha iyo wax-garadka deegaanka waxay ka codsadeen in ay u sameeyeen samata-bixin iyo kaalmo bani aaddannimo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/6/2020 2:09 PM EST
Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda madaniga ah ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Muxumed Taakooy ayaa maanta gaaray magaalada Buula-burte , waxaana soo dhoweeyay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybo kamid ah bulshada ku nool degmadaas.

8/6/2020 11:25 AM EST
Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Shir nabadeed oo mudo laba maalmood ah uga socdey laba beelood oo colaad 11 ruux galaafatay ku dhex martay degaano hoos yimaada Buuhoodle ayaa heshiis buuxa laga gaadhey maanta gelinkii danbe.

8/6/2020 9:24 AM EST
Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa si kulul u beeniyay wararka warbaahinta ee sheegayay in Ankara ay wado dadaalo ah in ay qaadayso ciidamado Soomaaliya ah oo loo dirayo Libya, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro xoogagga mucaradka ah ee Gen. Khalifa Haftar.

8/6/2020 5:52 AM EST
Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Deegaanka Ceel jaalle ee duleedka magaalada Marka ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, sida Warbaahinta ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

8/6/2020 5:38 AM EST
Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Rag hubeysan oo loo badinayo iney yihiin burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxay dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsi ku haaystay magaalada Darban oo ku taalla Gobolka xeebta leh ee KwaZulu-natal.

8/6/2020 5:32 AM EST
Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Abdi Xaashi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuur uu sheegay in lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud dalka.

8/6/2020 5:01 AM EST
Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka Al-shabaab.