4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2020
Kenya oo si xowliya ugusii faafayo cudurka Coronavirus
 

Talaado, Agoosto 4, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa isniintii shalay diiwaan galisay 544 kiis oo cudurka Coronavirus ah, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 22,597 kiis, sida ay shaacisay tirokoobkii ugu dambeeyay oo kasoo baxa wasaaradda caafimaadka.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sidoo kale ku warrantay inay jirto 263 oo dib u soo kabasho oo dheeri ah, iyada oo guud ahaan noqotay 8,740.

13 dhimasho ah ayaa kusoo korartay tiradii hore ee dimashada Covid-19, oo ahayd 382 qof.

Nairobi, oo laga diiwaan geliyay 412 kiis cudur, ayaa ah gobolka tirada ugu badan ee kiisas cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]