3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2020
Qarax ka dhacay Maqaaxi ku taalla degmada Xamar jajab
 

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Qof iskusoo xeray wax-yaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow dekadda weyn ee magaalada muqdisho, waxaana ka cunteeya dad badan oo ka shaqeeya meelo kala duwan.

Wararka laga helayo maqaaxida Luul Yemeni ee uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse aan si rasmi ah hadda loo hubin inta uu la’egyahay.

Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay tahay mid mashquul badan xilliyada qadada.

Wixii kusoo kordha warka qaraxaasi kala soco Hiiraan Online.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/3/2020 7:36 AM EST
Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Dayuurad siday 11 tan oo Qaad ah oo Kenya ka timid kuna wajahnayd Puntland ayaa maanta dib looga celiyay kadib markii lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xayiraadaha Covid-19.

8/3/2020 7:03 AM EST
Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Sii hayaha wasiirka wasaaradda ammaanka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta ka qeyb-galay shir mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ay ku leedahay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda siyaasadda dalka iyo doorashooyinka la filayo in dhammaadka sanadkaan iyo bilowga kan soo socda ay waddanka ka dhacaan.

8/3/2020 5:59 AM EST
Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Waxaa maanta maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dhageysatay kiiska dacwada ka dhanka ah weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ‘Abuuja’ oo muddo dhowr bil ah ku xirnaa Muqdisho.

8/3/2020 1:32 AM EST
Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Duulimaadyada caalamiga ah ee hawada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay dib u furmaya muddo afar billood iyo badh ah kadib.

8/3/2020 12:23 AM EST
Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Danjiraha dalka Britain u fadhiya Muqdisho Ben Fender ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalida ay go’aamin lahaayeen hoggaanka ay doonayaan, marka laga hadlayo nooca iyo qaabka ay noqon doonto doorashada soo socotana ay iyaga u taal.