4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2020
Shir ka socdey magaalada Adhicadeeye oo gogol nabadeed laga soo saaray


Sabti, Agoosto 29, 2020 (HOL) - Shir mudooyinkii ugu danbeeyey ka socdey magaalada Adhicadeeye oo 30Km. Waqooyi kaga quman magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ayaa lagaga dhawaaqay gogol nabadeed oo halkaasi loo dhigay beel ay colaad dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Jidbaale iyo Boocda.

Shirkan oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala yimi degmooyinka Xuddun, Taleex, Ceerigaabo iyo degaano kale ayaa waxa lagaga wada hadlayey colaado dhawra oo ka dhacay degaanadaas iyo Adhicadeeye oo haatan gogoshu taal.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland, Wasiirka Warfaafinta, Taliyaha Ciidanka Badda, gudoomiye ku xigeenka sadexaad Xisbiga Kulmiye oo maanta gunaanadka shirkan ka soo qayb galay hadalna ka jeediyey.

Qaar ka mid ah cuqaasha beeshan gogosha dhigtay ayaa ku dhawaaqay in wallaalohooda gacantu kala gaadhey ayna gogosha dhigeen magaalada Adhicadeeye ee haatan shirka u fadhiyaan, waxaanay balan qaadeen in wixii dhacay ay dhamaynayaan haba kala horeeyaane.

"Waxaa yaab leh qof dhiman lahaa oo Illaahay oofsaday ayaa dad badan galaafanaya, haduu iskii u dhintana daqiiqado ayaa lagu ilaawaa, hala ogaado in labadana Ilaahay oofsaday, hadana waxaan Gogol u dhignay walaalahayo si aan u dhamayno wixii dhacay si aanay waxdanbe u galaafan"  sidaa waxaa yidhi Cabdilaahi Garaad Saleebaan isagoo intaas ku daray in tii ka dhacday Adhicadeeye iyadana ay ku xigi doonto.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Arimaha Debeda Yaasiin Maxamuud Xiir iyo Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo si aad ah ugu dheeraaday dadaalka xukuumadu gelisey hakinta colaadaha degaanadaasi ka dhacay oo ay sheegeen in ay u joogeen sidii xal loogu heli lahaa.

"Waxaan hada u gudbaynaa dhinaca kale waxaana rajeynayaa in ay aqbali doonaan gogogosha aad dhigteen, waxaana filayaa in ta Adhicadeeyena raaci doonto" sidaa waxaa yidhi Yaasiin Maxamuud Xiir.

Si kastaba ha ahaatee mudo laba todobaad gaadhaysa waa talaabadii u horeysey ee hore loogu qaado laba colaadood oo ka kala dhacay Jidbaale iyo Boocda mida labaadna ay ka dhacday Adhicadeeye, waxaana la odhan karaa ta hore waa mid si gooni gooni ah loo khafiifiyey go'aan ka gaadhisteeduna ay aad u fududahay halka dad badanise ay ka cabsi qabaan ta adhicadeeye oo aan la faragelin sideedaba, walow yeedho wanaagsan saadaasha ka muuqanayaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood