4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2020
Soomaaliya oo dejisay shuruudaha xayiraad ka qaadista Qaadka Kenya
 

Arbaco, Agoosto 26, 2020 (HOL) - Dawladda Soomaaliya ayaa siisay Kenya shan shuruudood ka hor inta aan laga qaadin xayiraadaha saaran duulimaadyada Qaadka, sida ay qoreen warbaahinta dalka Kenya.

Ururka Ganacsatada Nyambene Miraa (Nyamita) ayaa ku xisaabtamaya in wadahadaladan meesha ka saaraan xanibaada saaran Miraa isla markaana Soomaalidu ay soo saartay dalabyo ay tahay in Kenya wax ka qabato.

Shuruudaha waxaa ka mid ah; Kenya inay fogaato faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, raali gelin ka bixiso ku xadgudubka hawada Soomaaliya, u oggolaato badeecadaha ka yimaada Soomaaliya oo ay ku jiraan kalluunka, bariiska, sonkorta, hilibka iyo caanaha iyo in Kenya ay joojiso duulimaadyada Soomaaliya ee lagu hakinayo Wajeer.

“Masuuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay ka gaabsatay ka hadalka arrimahaas, madaxweynaha Kenya waa inuu xalliyaa arrimaha diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ”ayuu yiri guddoomiyaha ururka iskaashada Qaadka ee dalka Kenya, Munjuri,

Wuxuu sheegay in ganacsatada ay oggolaadeen in ay bixiyaan canshuur kordhin ah $ 4 (Sh432) halkii kiilo ee gudaha Soomaaliya ah ayna u hoggaansamaan tilmaamaha cusub ee looga golleeyahay ka hortagga faafitaanka Covid-19.

“Kenya waa inay qaadataa mowqif muuqda oo dhanka miraa ah maxaa yeelay waxaan wali wajahaynaa caqabado aasaasi ah oo gudaha ah.”ayuu yidhi Munjuri.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]