4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 24, 2020
Xildhibaan Cosoble "Madaxweyne Farmaajo wuxuu been ku madadaalinayaa shacabka Gobolka Banaadir"
 

Isniin, Agoosto 24, 2020 (HOL) - Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya, sidoo kalana ah hoggaamiyaha mid kamid ah axsaabta siyaasadda dalka ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuusan daacad ka aheyn in Gobolka Banaadir uu yeesho matalaaddii siyaasadeed ee aqalka sare kaas oo ay dhowaan ansixiyeen Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ayuu Xildhibaan Cosoble wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha uu isaga qortay war-saxaafadeedkii shirkii Dhuusamareeb 3, hase-ahaatee uu madaxweynaha iska indha tiray inuu heshiiskaas ku muujiyo matalaaddii Gobolka Banaadir uu yeelan lahaa.

Dhinaca kale wuxuu uga digay madaxweynaha in uusan shacabka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku madadaalin been,  sida uu hadalka u dhigay,  taas oo ah dhibaato adag.

Hadalka Xildhibaan Cosoble ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah,  dhowaanna Dhuusamareeb lagusoo gabagabeeyay shir lagu saxiixay nooca doorasho oo ay Soomaaliya qaadaneyso, iyadoo shirkaas ay ka maqnaayeen maamullada Jubaland iyo Puntalnd.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]