4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2020
Wiil Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyay tartan orodka 5-kun mitir

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) Cabdisalaam Cali ayaa manta ku guuleystay orodka 5000m ee dhallinyarada da’doodu ka yartahay 20 jir ee loo yaqaano U20 dalka Switzerland.

Orodkaas oo ka dhacay magaalada Frauenfeld ee dalka Switzerland ayaa Cabdi Salaan waxa uu ku orday muddo dhan 14:36.17, waan rekoorkii ugu wanaagsanaa ee U20 ee dalka Switzerland.

Cabdi salaam ayaa kaalinta 2aad ka galay orodka 10-kun mitir (U20) ee sannadkii tagay lagu qabtay magaalada Zürich.

Cabdisalam oo khadka telefoonka ugu waramayey HOL ayaa sheegay in aad ugu rajo weynyahay in uu ku guuleysto orodka 10-kun mitir ee U20 oo ka dhicidoona magaalada Bern ee caasimadda dalka Switzerland.

Cabdisalaam Cali oo dalka Switerland soo galay sannadkii 2016 ayaa orodadaan uga qayb-galayo magaca dalka Soomaaliya, waana qofkii ugu horreeye oo ka soo jeeda jaaliyadda Soomaalida oo guul ka soo hooyo orodada 5000m iyo 10000m dalka Switzerland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]