3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 22, 2020
Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis iyo hub ay leeyihiin ururka Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay Calmadow


Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Puntland ayaa soo bandhigtay maxaabiis katirsan Al-shabaab iyo hubkooda, kuwaas oo lagu qabtay dagaal xoogan oo shalay Al-shabaab kusoo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka daraawiishta Puntland oo kuyaala Aaga Calmadow.

Puntland waxay sheegtay dagaalkaas inay ku dishay ku dhawaad 10 kamid ah kooxda Al-shabaab, sidoo kalena ay nolasha ku qabteen saddex kamid ah dagaalamayaashii dagaalka soo qaaday iyo hub kala duwan.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn saldhiga balli-khadar oo farriisin u ah ciidamada Puntland, waxaana weerar hoobiyaaal ku bilowday kusoo qaaday dagaalamayaal katirsan Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka bilayska gobolka Bari gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ay khasaare weyn ku gaarsiiyeen Al-shabaab ayna ciidamadu jawaab xoogan ka bixiyeen weerarka lagusoo qaaday.

Taliyuhu ma sheegin khasaaraha dhinaca Puntland, hase yeeshee Hiiraan Online waxay xogta ku heshay in ay  Puntland ka dhinteen labo askari iyo dhaawaca tiro kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/22/2020 12:12 PM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan aya shaqadii ka joojiyay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee Jubbaland Maxamed Xasan Maxamed oo lagu eedeyay ku takrifal Maaliyadeed oo aan nidaamka maaliyadda Jubbaland waafaqsanayn.

8/22/2020 12:07 PM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xabsi shan sano ah iyo labo kun oo dollar oo ganaax lacageed ah ku riday haweenay lagu eedeeyay inay karin jirtay islamarkaana ka ganacsan jirtay maamdooriyaha qamriga ee loo yaqaan Calaqa.

8/22/2020 10:56 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Munnaasabad balaaran oo aay xilalka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee loo soo magacaabay guutada 5-aad iyo Taliyahii hore ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/22/2020 4:07 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka jinsiga ( Kufsiga). waxaana si gaar diiradda loogu saaray sare u kaca ku yimid intii lagu guda jiray Xiyaraaddii COVID-19.

8/22/2020 3:40 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maareeyaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya, Axmed Macalin oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka jimcaha ee telefishinka qaranka, ayaa sheegay diyaarad Qaad sidda in aysan cagta soo dhigi karin dhulka Soomaaliya.

8/22/2020 2:17 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa dowladdooda ugu baaqday inay suuqyo kuyaala qaaradda Afrika u raadiso ganacsiga Qaadka Miiroowga, si looga kaaftoomo baahida loo qabo Qaadka loo iib gayn jiray Soomaaliya.

8/22/2020 1:51 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan Saldhiga ay ku leyihiin Taliska Ciidamada Jabuuti xaafadda Howlwadaag.

8/22/2020 1:32 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku midaysan yihiin oo ay kagasoo horjedaan natiijada kasoo baxday shirkii magaalada Dhuusomareeb.