4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2020
Jaamacadda Carabta oo sheegtay iney sii kordhineyso taageerada Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto 14, 2020 (HOL) - Xoghaya guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Qayd iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku wada hadlay Khadka taleefanka ayaa waxay isku soo qaadeen xaaladda siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Sida lagu qoray Waregys kasoo baxa gudaha Masar jaamacadda Carabta ayaa ballan qaadday iney sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya oo ku aaddan dhammaan dhinacyada laga wada hadlay.

Waregyskan oo xigtay mas’uuliyiin dhinaca xafiiska Xoghayaha Jaamacadda Carabta ah ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si faah faahsan Abu Qayd uga warramay xaaladda ammaan dhaqan dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka Soomaaliya.

Wada-hadalkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dowladda madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo ay cadaadis kala kulmeysso mucaaradka gudaha iyo qaar kamid ah xubnaha beesha Caalamka oo doonayo in la isla garto nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaaqada sanadkan iyo bilowga kan soo socda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]