4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta doorashooyinka oo ka hadlay maqnaanshaha xubnaha Puntland iyo Jubbaland
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta doorashooyinka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta ay guddigooda uga maqan yihiin wakiilada ka socda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo maqan tan iyo markii la magacaabay shirkii labaad ee Dhuusomareeb kadib.

Guddoomiyaha guddigan ahna sii hayaha wasiirka dastuurka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan maqnaashaha wakiillada Puntland iyo Jubbaland, inkastoo uu sheegay  in ay guddiga kusoo biiridoonaan marka la iskugu tago magaalada Dhuusomareeb.

Wasiirka dastuurku wuxu intaas ku daray in ay la kulmeen oo ay talooyin dhowr kasoo qaateen qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah, ayna ku kalsoon yihiin inay keenidoonan hannaan doorasho oo lawada oggol yahay.

Wasiirka dastuurka hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddo labo cishe ah ay ka harsan tahay shirka Dhuusomareeb islamarkaana laga walaacsan yahay qabsoomida shirkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]