4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 11, 2020
Afhayeenka ciidanka asluubta oo shaaciyay in 15 maxaabiis ah ku dhinteen shaqaaqadii xabsiga dhexe Xamar
 

Talaado, Agoosto 11, 2020 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Asluubta G/sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in 15 maxaabiis ah ay ku dhinteen, 7 kalena ay ku dhaawacmeen shaqaaqadii shalay ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar.

Afhayeenka ciiddanka asluubta waxaa kale oo uu sheegay in afar askari ay ciidanka kaga dhinteen shaqaaqadan, hal askarina uu ku dhaawacmay.

Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya, ayaa xalay sheegay in labo askari ay ku dhinteen dhacdadan, isagoo aan sheegin khasaraha maxaabiista.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay iney socdaan baaritaanno ku aaddan sida maxaabiista dagaalka gashay ay hubka ku heleen, isagoo intaa raaciyay in aad looga shaqeyn doono ammaanka maxaabiista.

Xaaladda xabsiga dhexe ayaa caadi kusoo laabatay iyadoo ay maanta kormeer ku sameeyeen masuuliyiin dowladda katirsan oo eegayay sida ay wax u dhaceen xabsiga iyo khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]