3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 5 , 2020
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo difaacday weriye Harun Macruf
 

Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa difaacday suxufiga caanka ah ee Harun Macruuf kadib markii dhawaan hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ee NISA ugu hanjabtay inay tilaabo ka qaadidoonaan.

Qoraal lagusoo daabacay Twitterka safaaradda Maraykanka ayaa lagu yidhi.”  Harun Macruf waa nin xushmad leh oo xirfadyahan ah. Waana mid kamid kamid ah suxufiyiinta ee ugu saameynta badan Soomaaliya.”

Safaaradda waxay hadalkeeda ku dartay hanjabaada NISA in ay qatar ku tahay Xoriyadda Saxaafadda iyo Warbaahinta madaxa bannaan oo aasaas u ah dimoqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

NISA ayaa ku eedeeysay weriye Harun Macruf inuu uu khatar ku yahay Amniga soomaaliya. waxayna hay'adda dowladda uga digtay inay xidhiidh la sameeyaan.

BartaTwitterka ee hay’adda NISA ayaa laga saaray qoraalka hanjabaada Harun Macruf, kadib markii ay kala kulmeen dhalleecayn xoogan oo gudaha iyo dibada ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
4/5/2020 3:43 PM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

4/5/2020 12:21 PM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Ololahan oo ku soo beegmay xili roobaadka Gu'ga oo bilaabashadiisii xiligii Illaahay looga bartay la joogo ayaa waxaa si wadajir ah u qabanaya dawlada Hoose ee degmada Laascaanood iyo hay'adda CARE.

4/5/2020 11:06 AM EST
Axad, April 05 2020 (HOL )– Gudida heer qaran ee ka hor tagga cudurka Covid 19 ee Somaliland oo maalmahan dambe la tashanayey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta kulan la yeeshay gancsatada Jaadka.

4/5/2020 10:53 AM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo aan weli xilka lagu wareejin ayaa xarunta maamulka gobolka kula kulmay ku xigeenada gobolka, maamulka degmada iyo laamaha amniga gobolka Hiraan, waxaana looga hadlay dardar-galinta howlaha maamulka.

4/5/2020 10:48 AM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Itoobiya waxaa geeriyooday qofkii u horeeyay ee qaba cudurka Covid 19, qofka geeriyooday ayaa ahaa haweeney 60 jir ah.

4/5/2020 7:19 AM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Xaruntii hore ee Baarlamaanka ugu horreeyay dalka uu ku shiray ayaa maanta loo beddelay xarun ay bulshada u dalxiis tageyso ,taaso ku taal degmada Boondheere,iyadoo uu u dhagax dhigay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

4/5/2020 7:02 AM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xayiraad kusoo rogtay Qaadka Miirowga, kadib markii ay shaacisay in uu qeyb ka qaadan karo fiditaanka cudurka Coronavirus (Covid 19).

4/5/2020 6:17 AM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabbilay guddiga qaranka ee Shaqaalaha Rayidka.

4/5/2020 2:55 AM EST
Axad, April, 05, 2020 (HOL)- Sarkaal katirsan maamulka Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug.