5/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2019
Taariikh Nololeedka Danjire Maxamed Warsame Cali Godane “Kiimiko”

 

Talaado, May, 07, 2019 (HOL)-Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Galmudug iyo aas-aasihii maamulkaas Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko.

Hadaba waxaan dib u milicsaneynaa taariikhda dheer ee waxqabadkii iyo noloshii Danjire Kiimiko. Marka hore, waa kuma Kiimiko?

 
 Danjire Maxamed Warsame waxa uu ku dhashay degmada Wardheer, ee Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed sanadkii 1936 kii,

 Waxa uu ku barbaaray isla degmadaas oo yaraantiisa ilaa uu ka qaangaaro

 Dugsi quraan iyo tacliintiisa waxbarasho hoose iyo ilaa tan dhexe halkaas ayuu kusoo qaatay

 Kadib, wuxuu usoo wareegay magaaladda Muqdisho, oo uu waxbarashadiisa ku dhameystay dugsiga Nogob, waxa ay iskuulka wada dhigteen rag uu ka mid ahaa (AUN) C/rashiid Cali Sharma’arke oo madaxweynihii 2-aad noqday

 Danjire Maxamed Warsame wuxuu isla markiiba noqday qoraa mid ka mid ah jaraa’idada dalka kasoo baxa, halkaas oo uu wax ka qori jiray marxaladda dalka iyo baruurigii gobonima doonka ee ka curtay gayiga Soomaaliyeed

 Intaas kuma uusan ekaan, ee wuxuu mudo yar kadib ku biiray dhaqdhaqaaqii dhalinyarada ee gobanimadoonka SYL

 1950-kii, wuxuu turjumaan ka noqday baarlamaankii maamulka daaqiliga oo ka koobnaa 60 xildhibaan, oo 10 ka mid ah ay ajnabi ahaayeen

 Dalka markii uu xornimada qaatayna 1960-kii, Danjire Maxamed Warsame waxa uu imitixaan u galay shaqo gacanyaraha Madaxweynihii koowaad, (AUN) AADAN CABDULLE CISMAAN, waana uu ku guuleystay

 Mudo kadib, Danjire Maxamed Warsame waxa uu waxbarasho u aadday dalka Talyaaniga, xiligaas oo uu tifaftire iyo qoraa ka ahaa Joornaal afka talyaaniga kusooo baxa, arrimaha Soomaaliyana kaga hadli jiray,

 1963-dii, Maxamed Warsame waxa uu noqday qunsulka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka

 Dhowr sano kadib, waxa uu noqday safiirka Soomaaliya u joogga Washington, 

 1966-69 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay,

 1969-kii, xiligii uu curtay Kacaankii Milatariga (49 sano ayaa maanta kasoo wareegtay), Danjire Maxamed Warsame oo loo arkay in uu yahay dadka fara-ku-tiriska ah ee fahamsan nidaamka dowliga, waxaa loogu yeeray in uu soo xaroodo, dowladdana wax ka dhiso,

 Dhowr bilood kadib, 1970-kii, waxa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta,

 Misana 1972-76-dii, waxa uu qabtay xilka Wasiirka Baayac-mushtarka ama Ganacsiga,

 Asaga oo sifeynaya xiligaas, Wareysi uu siiyay Universal TV oo ay qaaday Wariye Xamdi Kadiye, Maxamed Warsame waxa uu yiri “Waxay aheyd maxaad taqaan, ee ma aysan aheyn yaad taqaan”

 Wuxuu kaloo noqday lataliyaha Madaxweynaha ka hor inta aan loo magacaabin Safiirka Soomaaliya ee qaramada midoobay

 1979-1980 Danjire Kiimiko waxaa loo badalay France oo noqday safiirka Soomaaliya ee France

 Waxaa Danjire Mohamed Warsame loo badalay wadanka Mareykanka oo safiir looga dhigay 1980-kii

 Danjire Mohamed Warsame wuxuu shaqada dowladda ka fariistay dhammaadkii 1980, asagoo bilaabay inuu ku shaqeeyo khibradihiisi “consultancy’ meelo kala duwan

 1992-1993 Danjire Mohamed Warsame wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sare ee Qaramada Midoobay u dirtay Cambodia, dagaalkii kadib, oo uu halkaas kasoo qabtay hawlihii dibu-dhiska Cambodia,

 Sidoo kale, 1994-1995 Danjire Mohamed Warsame wuxuu ka mid ahaa saraakiil sare ee Qaramada Midoobay u dirtay South Africa, si ay ula socdaan isbadelkii Koonfurta Afrika ee xukunka looga wareejiyey xukuumaddii midab takoorka

 1995-2000, Kiimiko waxa uu si toos ah ugu xusul-duubay sidii xal waara loogu heli lahaa aragtiyada kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya, asaga oo tallooyin wax ku ool ah siinayay ururadda iyo hogaamiyeyaashii taladda hayey,

 Danjire Mohamed Warsame wuxuu aad uga shaqeeyey sidii dalka la iskugu heyn lahaa dowlad dadka isku keentana loo dhisi lahaa arrintaan oo uu tallooyin iyo qoraallo wax ku ool ah ka sameeyey.

 Danjire Mohamed Warsame wuxuu ka mid ahaa siyaasiintii iyo khubaradii aad uga shaqeeyey dib u soo celinta dowladnimadii Soomaaliya asagoo ka qeyb qatay shirarkii faraha badnaa – Jabouti Carte, Addis Ababa, Nairobi iyo meelo kaleba

 2005-2006, Danjiraha waxa salka u dhigay maamul goboleedka Galmudug, taas oo qeyb ka aheyd nidaamka uu mar walba jeclaa in dalka iyo dadka hoos laga soo dhiso, kadibna ay yeeshaan dowlad ka turjunta sooyaalka iyo aayaha ay hiigsanayaan,

 2006-2009, Danjire Kiimiko wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul-goboleedka Galmudug, taas oo ka shaqeysay sidii loo yagleeli lahaa nidaam dowli ah, kala dambeyn, amni iyo dibu-heshiisiin

 2008-dii wixii ka dambeeyay, Danjire Kiimiko waxa uu ku laabtay Mareykanka, oo uu muddo badan ku noolaa. Waxaa loo soo jeediyay in uu qaato dhalasho, balse waa uu diiday, asagoo mar walba aaminsanaa in dhalashadiisa Soomaaliya ay wax walba uga qiimo badan tahay,

 2011-kii, ayuu Nairobi kusoo laabtay, halkaas oo uu bilaabay in uu arrimaha Soomaaliya wax ka qoro, buugaagta uu sanifay waxaa ka mid ah: 
A Different Perspective: For Long Lasting Peace and Stability in Somalia

 Danjire Kiimiko wax-qabadkiisa halkan kuma soo koobi karno, maadaama uu leeyahay taariikh mug leh, dalka iyo dadkana wax badan usoo qabtay, waxaan ku soo afjari laheyn kalmado uu yiri:

“Beesha caalamka si fiican uma darsin arrinta Soomaaliya, sidaas darteedna xal waara kama keeni karaan.”

“Nabadda Soomaaliya waxaa keeni kara shacabka Soomaaliyeed, oo ka kooban reeraha ay kala yihiin.”

 Danjire Kiimiko waxa uu ku geeriyooday Magaaladda Nairobi, Kenya taariikhda May 6, 2019 kadib xanuun ku soo booday, oo stroke ah.

Ilaahey waxaan uga baryeynaa in uu naxariistiisa janno ee waasaca ah ku galadeysto, aamiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]