4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Shir dib u heshiisiin ah oo Mooyaale loogu qabtay Soomaalida iyo Oromada

 

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in shir dib u heshiisiin ah uu ka furmay magaalada, shirkaas ayaa waxaa lagu heshiisiinayay Soomaalida iyo Oromada.

Haddaba shirkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay odayaal dhaqameedyada ka kala yimid degaamada Soomaalida iyo Oromada, waxaa sidoo kale shirkan kasoo qayb galay wasiiro heer federal ah.

Shirka ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii nabad looga dhex dhalin lahaa Soomaalida iyo Oromada iyadoo ugu dambayntii laba dhinac isku afgarteen inaan dib colaad uga dhex dhicin Soomaalida iyo Oromada.

Ma ahan markii u horeysay ee shir dib u heshiisiin ah loo qabto Soomaalida iyo Oromada, heshiis kasta oo lagaadhana dib ayuu ka buri jiray, balse shirkan hadda ayay dad badani ka war sugayaan waxyaabaha kasoo baxa iyo siduu u dhaqan gali doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]