4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2019
Saciid Qoorsheel : Waa been abuur in siyaasiyiin aan ka mid ahay dowladdu lacag siiso

 

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Saciid Maxamed Qoorsheel oo ah guddoomiye ku-xigeenka xarunta tallaada soo jeedinta Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii ugu danbeeyay soo baxayay oo sheegaya in siyaasiyiin uu ka mid yahay dowladdu lacago siiso.

Qoraalo lagu baahiyay magac-yada in ka badan 200 oo ruux oo siyaasiyiin iyo culima'udiin isugu jira oo mid walb lagu hor qoray cadad lacageed oo lagu sheegay in ay dowladdu siiso si ay uga aamusaan marxlada dalku sugan yahay.

Saciid Qoorsheel oo ka mid ahaa liiska siyaasiyiinta la eedeeyay ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur, islamarkaana jirin wax dhaqaale ah oo uu ka qaato dowladda Soomaaliya, marka laga soo tago in uu yahay siyaasi Soomaaliyeed oo Qarankiisa u soo shaqeeyay.

‘’Siyaasiyiinta kale iyaga ayaa laga rabaa in ay is difaacaan, laakiin Anniga shaqsiyan Saciid Qoorsheel waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo in warkaasi been abuur yahay oo aan wax lacag ah ka qaadan dowladda Soomaaliya’’ ayuu yiri Saciid Qoorsheel oo horey Wasiir u soo noqday.

Qorsheel ayaa sheegay in aysan jirin sabab ka hor istaagi karta in uu ka hadlo marxalada uu dalku marayo, marar badan oo horena si toos ah warbaahinta ula wadaagay sida uu hadalka u dhigay xaalada Amniga uu dalku sugan yahay iyo xirnaashaha jidadka Muqdisho.

''Waad ogtihiin inta goor ee aan ka hadalnay ama Annniga shaqsiyan aan ka hadlay xaalada uu dalku marayo, haddii ay lahaan laheyd dhinaca nabad-galyada iyo dhibta lagu qabo xirnaashaha jidadka'' ayuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay. 

Xisbiyada siyaasada ayuu sheegay in aysan mucaaradnimadooda u adeegsan daacyad laga fidiyo sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin qaarkkood maamuus ku dhax leh bulshada.

‘’Tusaale ahaan liiska waxaa ku jira Maxamed Cabdi Yuusuf oo la wada garanayo oo ah siyaasi rug caddaa Soomaaliyeed ah, waana ceeb in meel ka dhac intaa la eg loo geysto’’ ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Saciid Qoorsheel ayaa noqonaya siyaasiyiggii ugu horeeyay ee ka jawaaba magacyada shaqsiyaad lagu eedeeyay in ay mishaar gaar ah ka qaataan dowladda si aysan u mucaaradin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

.