4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Mudaharaad Khasaare geystey oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo iyo dagaal bariga Sanaag ka socda


Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)-Mudaharaadkan oo la sheegayo inuu ahaa kii ugu balaadhnaa ee mudooyinka la xusuusan yahay ka dhaca magaalada Ceerigaabo ayaan si cad loo ogayn khasaaraha ka dhashay, iyadoo ciidamada kala duwan ay adeegsanayeen hubka culus iyo ka fuduba.

''Anigu waxaan hubaa sadex qof oo la keenay isbitaalka weyn mana hubo dhaawacoodu sida uu ahaa, waxaanse qiyaasayey in uu liitey sida loo sidey, mida kale waa badan yihiin goobaha caafimaadka ee dadka la geyn karaa" Sidaa waxaa HOL u sheegtay Xaliimo Xasan oo isbitaalka ceergaabo waqtigaa qof bukaan ah ku haysey, waxaanay intaas ku dartay in weli xiisadii taagan tahay la sheegayana qof dhintay.

Rabshadahan oo aan ilaa hada la sheegin waxa ay ka dhasheen ayaa loo aanaynayaa xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya beelo wada dega gobolka Sanaag oo sanadihii u danbeeyey dhibaato colaadeed ka dhex taagnayd taas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay maraysey meeshii ugu qadhaadhayd.

Dadka qaar ayaa qaba in rabshan ay la xidhiidho dagaal goor aan fogayn ka bilaabmay halka lagu magcaabo Dhoob oo koonfur bari Ceerigaabo kaga quman, halkaas oo ay isku haleeleen ciidamada Somaliland iyo taabacsan sarkaal mucaarad ah oo lagu magcaabo Caare saldhigiisuna ahaa magaalada Qardho ee Puntland.Si kataba ha ahaatee xiisada magaalada Ceerigaabo ayaa ah mid aad uga cabsi badan kuwii  ka dhici jirey magaalooyinka kale maadaama ay haatan fududahay qaybo ka mid ah dadka degaanka in ay u dareeraan gacansiinta jabhada Caare. 

 Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood