4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Faah faahin ku saabsan duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyeen gobolka Baay

 

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanku ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Baay halkaa oo ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in 08 bishan ciidamada Mareykanku duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Yaaq Baraawe oo ka tirsan gobolka Baay.

Duqeynta ayaa lagu dilay ilaa Lix ka tirsan xoogagga Al-shabaab, waxaana goobta la weeraray lagu sheegay fariisin ay iska soo abaabuli jireen dagaalyahannada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkan 2019ka oo kaliya ku dhawaad ilaa shan weerar oo cirka ka geystay gudaha dalka Soomaaliya kuwaa oo lagu bartilmaameedsanayay fariisimaha Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]