4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Kenya oo si kale u dhigtay tallaabadii ay dalkeeda uga soo saartay safiirkii Soomaaliya

 

Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- War ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in si qaldan loo fasiray tallaabadii ay dib ugu yeereen safiirkoodii Soomaaliya iyo dib ugu noqoshadii dalkiisa safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Amb. Macharia Kamau oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan eryin safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, dhinaca kalana safiirkeeda Soomaaliya si kama danbeysan ula soo noqon , laakiin arinku yahay oo kaliya wada tashi iyo xal laga gaaro muranka ka dhax jira labada dowladdood.

‘’Annaga waxaan u yeernay oo kaliya safiirkeenii Soomaaliya si aan la tashi ula sameyno, sidaa si la mid ah safiirka Soomaaliya isagana uu dalkiisa dib ugu laabto si uu la tashi ula soo sameeyo dowladdiisa’’ ayuu yiri xoghayaha joogtada ah ee wasaarradda arrimaha dibedda Kenya.

Hadalka ka soo yeeray maanta oo Axad ah wasaarradda arrimaha dibedda Kenya ayaa u muuqda mid lagu qaboojinayo hadal heynta warbaahinta iyo guud ahaanba baraha bulshada ee la xiriira khilaafka soo kala dhax-galay labada dowladdood.

Wali dowladda Soomaaliya war kama aysan soo saarin tallaabada Kenya ay qaaday ee dalka dib loogu soo celiyay safiirkii Soomaaliya u joogay magaalada Nairobi.

Muranka khilaafka dhinaca xudduuda badda ee labada dowladdood ayaa soo jiitamayay tan 2014kii, waxaana hor yaala maxkamada cadaallada ee dunida ICJ dacwadda arintan ku saabsan ee labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]