4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Qoryoole ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in xalay dagaal culus uu degmada ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-shabaab.

Dagaalka  ayaa qarxay kaddib markii ay Al-Shabaab weerareen saldhigyada ay Cidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaas,waxaana dad ku sugan degmada Qoryooley ay sheegeen in dagaal mudo saacad ku dhow uu halkaasi kadhacay.

Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimid xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab iyaga oo meesha ka saaray islamarkaana been abuur ku tilmaamay weerarkaa lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada sidoo kalana lagu dhaawacay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Qoryooley ayaa ka mid ah degmooyinka ay inta badan ka dhacaan weerarada ay geystaan Al-Shabaab oo ku sugan meelaan ka fogeen degmadaas,waxaana saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay horay u sheegeen inay ka saari doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]