4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2019
Qarramada Midoobey''' 280 Qof ayaa ku geeriyootay Daadad ka dhashay Roobab ka da'ay Bariga Africa

 

Jimco,December, 06, 2019 (HOL)-Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo ka mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shaacisay QM.

Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada QM ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka.

Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay  fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo ka mid ah dalaka ku yaala Bariga Africa oo ay  Soomaaliya  ka mid  tahay, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka  geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya. 

Digniin dhawaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab  kale oo ka da’a  Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan dhulka xeebaha ah,iyadoo dowladdana ay si weyn uga gashaamatay, dad weynaha u sameysay wacyi gelin ballaaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]