Afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka oo amartay in la diyaariyo xil ka xayuubinta Trump
Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa ku amartay hogaamiyayaasha xisbiga dimqoraadiga “inay guda galaan qodobada xil ka-xayuubinta” madaxweyne Trump, ayada oo shaaca ka qaaday “inuu ku xadgudubay awooddii xafiiskiisa.”
Pelosi ayaa sheegtay in madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga
Jamhuuriga, uu meel ku xooray hab-dhaqankii caadiga ahaa ee
madaxweynenimo, kuna xadgudbay waajibkii uu ku dheertay ee ilaalinta
dastuurka Mareykanka.
Waxay ku eedeysay inuu Ukraine weydiistay inay baaritaan ku sameyso
mid ka mid ah musharaxiinta dimoqraadiga ee doonaya inay kula loolamaan
doorashada 2020, kaasi oo ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka
Joe Biden, si taasi ay isaga uga caawiso inuu ka adkaado.
“Xaqiiqoyinka lama diidi karo,” ayey tiri Pelosi. “Madaxweynaha wuxuu
ku xadgudbay awooddiisa, si danihiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah uu
uga hormariyo amnigii qaranka.”
Pelosi ayaa ku amartay Jerrold Nadler, oo ah guddoomiyaha Guddiga
Cadaaladda ee Aqalka Wakiilada, halkaasi oo arbacadii ay ka billaabatay
dhageysiga xil ka-xayuubinta, iyo guddoonka dimoqraadiga inay
diyaariyaan qodobada xil ka-xayuubinta.
Inkasta oo Pelosi aysan waqti qaban, haddana Aqalka Wakiilada ee ay
maamulaan Dimoqraadiga ayaa u codeyn kara maamuus ka xayuubinta Trump ka
hor ciidda kirismaska ee dhammaadka bishan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]