4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2019
Ayax dhibaato ku haya dhulbeereedka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

 

Jimco, December, 27, 2019 (HOL)-Beeraleyda ku dhaqan labada gobol Hiiraan ayaa Shabeellaha Dhexe ayaa la tacaalaya sidii ay uga hortagi lahaayeen Ayax duulaan ku ah tacabka Beeraha kuwaa oo marka ay ku dagaan ka idleysanaya wixii dalag ah ee ku yaala.

Dadka ayaa si ay isaga difaacaan Ayaxa u adeegsanaya wax kasta oo ay awoodaan gaar ahaan rasaas culus oo marka uu Beeraha ku soo dhawaadaba lagu ridayo si loogu argagax galiyo.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarradda Beeraha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim ayaa sheegay in cayayaankan Ayaxa oo ka soo gudbay deegaanada Galmudug iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida uu musiibo ku yahay Beeralayda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha arrimahan ku shaqada leh deg deg uga caawiyaan Beeraleyda wixii agab ah oo ka caawinaya sidii ay uga hortagi lahaayeen Ayaxa.

Maalmihii ugu danbeeyay deegaanno badan oo ka ka tirsan  Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa weerar ba’an ku hayay cayayaanka Ayaxa waxaana dadka ay ula dagaalamayaan siyaabo kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]