4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Puntland oo caalamka u sheegtay inay diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda kor loogu qaadayo


Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garowe kulan kula qaatay wefti ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan.

Kulankaan ayaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wada hadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka, wuxuuna yidhi."

“Waxaan ka wada hadalnay sidii loo dardargelinlahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee ka Dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhicidoonaan kulamo intan kasii balaadhan oo looga hadlidoono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta oo iyaguna meel aad u wanaagsan maraya iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaadhilahaa. Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jewi wanaagsan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay Puntland inay diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda lagu horumarinayo.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka muhiim ka ah ee ay wadaqaateen weftiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada.

Waa kulankii ugu dambeeyay kulamo xidhiid ah oo beesha caalamka ku ogaanaysay sanadkaan sii dhammaanaya tilaabooyinka la gaaray ee arrimaha horumarka Soomaaliya iyo gorfaynta qorshayaasha sanadka soo socda.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]