4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Wafdi ka socda beesha caalamka oo kulan albaabada u xiran yahay laleh madaxda Puntland
 

Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaaliya ambassador Jamed Swan, oo Garowe soo gaaray ayaa kulan albaabadu u xiran laleh madaxweynaha Puntland iyo golihiisa wasiiradda.

Sida Hiiraan Online xogta ku helayso, wafdigaan ayaa u yimid sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, si aan dib u dhac ugu imaan doorashada 2021 iyo qorshaha daynta cafinta Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa shalay tagay Jubbaland waxayna kala hadleen arrimo lamid ah kuwa maanta ay joogaan Puntland, maadaama Puntland iyo Jubbaland yihiin labada maamul ee khilaafku kala dhexeeyo dowladda federalka Soomaaliya.

Wixii faahfahin kala socda Hiiraan Online.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]