4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Mareykanka oo ku dhawaaqay in Soomaaliya uu ka cafiyay Lacagihii deyta ee uu ku lahaa

 

Arbaco, December,  18, 2019 (HOL)- Ugu danbeyntii  Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka  ayaa isku raacay xalay saqdii dhexe in Soomaaliya laga dhaafay lagana cafiyay lacagihii deymaha ee uu Mareykanku ku lahaa

"Waxaa Soomaaliya lagu lahaadeymo aad u fara badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ay baahi ku noolaadaan. Arrintan waxaa ay saameysay kumanaanka qof ee Soomaalida Mareykanka ee ku nool degmada la iga soo doorto, qoysasna ku leh gobolka", ayeey ku sheegtay Ilhaan Cumar ka tirsan Kongreska Mareykanka War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskeeda.

Ilhaan ayaa sheegtay in tallaabadan uu Mareykanku qaaday ee deyn cafinta ay tahay mid hormar iyo barwaaqo u horseedi doonta Soomaaliya, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah.

Lama oga tirada iyo cadadka lacagta deynta ee Mareykanku ka cafiyay Soomaaliya balse dhinaca kale tallaabadan ayaa u muuqata guul u soo hooyatay Dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay Dowladda Dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sanad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]