4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Guddiga doorashada Soomaaliya iyo xafiiska QM oo shir guddoomiyay kulan ku saabsan u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah
 

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Diyaar garowga Soomaaliya ee doorashada qorsheysan ee qof iyo cod ah 2020/2021, ayaa looga hadlay kulan xog-wadaag ah oo ay maanta si wadajir ah u shir-guddoominayeen Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska hawlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee soomaaliya.

Waxaa kulanka ay kasoo qeyb-galeen xubno ka socday saaxiibada Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasha oo ay ku jireen mashruuca (BUILD), Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Xafiiska Haweenka ee Qaramada Midoobay iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeegyada mashruuc (UNOPS).

Qaramada Midoobay ayaa ka taageereysa Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka kaalmada farsamo ee doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa in sanadka 2020/2021 la qabandoono doorasho qof iyo cod ah, iyadoo qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka walaac ka qabaan in laga gaabiyay waqtigii loo baahnaa in loo diyaar garoobo doorashadaas.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]