4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Shirka madasha Aragti -Wadaaga oo maanta ka furmaya dalka Jabuuti

 

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti lagu qabto madasha aragti wadaagga Soomaalida.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira  mas'uuliyiin ka socota Dowladaha, Soomaaliya, Jabuuti, Dowla  degaanka Soomaalida Itoobiya, Somaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti  sharaf ka socota dhammaan degaannada Soomaalida.

Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa-gurayo Madasha aragti wadaagga ayaa ah kaalinta Soomaalida ee nabadda geeska Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]