Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay xildhibaannada Golaha Shacabka su’aalo u badnaa howlaha Wasaarraddiisa weydiiyeen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hortagay xildhibaannada.
Sidoo kale maanta ayaa lagu wadaa
in Golaha uu hor yimaado Wasiirka Wasaarradda Gaadhaandhiga Xassan Cali Maxamed
oo lagu wado in xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyaan howlgallada socda iyo
dhismaha ciidamada, iyadoo la ogyahay in sanadkan oo kaliya la dalacsiiyay
saraakiil dhowr ah oo ka tirsan militariga Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay ayeey xildhibaannada
Golaha Shacabka waxaa ay wadaan la xisaabtanka Wasiirada, waxaana horay u
hortegay,Wasiirada Amniga,Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasiirka Warfaafinta
iyo waliba qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada gaar ahaan taliska Booliiska.
Su’aalaha maalintii shalay ay
xildhibaannadu weydiiyeen Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa
ka mid ahaa sababta loogu ogolaaday Xassan Daahir Aweys oo maxbuus ah in uu
warbaahinta la hadlo, halka Mukhtaar Rooboow oo sidiisa oo kale xiran aan loo
ogoleyn in uu wax talleefoon ah adeegsado.
Wasiirka ayaa sheegay in in uusan
shaqsiyan howshiisu ahayn in taleefan la siiyo qof dowlada u xiran isagana
wareysi uu bixiyay uu ku sheegay in Xasan Daahir Aweys uu adeegsaday taleefan
gaar ah.
Xassan Daahir Aweys oo muddo
dheer u xiran dowladda Soomaaliya ayaa inta badan fariimaha uu soo duubo la
wadaaga baraha ay bulshadu ku xiriiraan, isaga oo hadba fariintiisa uga hadla
marxalada markaa taaggan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]