4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Shan Qof oo ku dhimatay shil Baabuur oo ka dhacay Kenya

 

Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Ugu yaraan Shan Qof ayaa ku geeriyootay, 62 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray markii ay isku dhaceen labo  Bas inta u dhexeysa magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.

Taliye, Joseph ole Napeiyan, oo ka mid ah saraakiisha Boliiska ee  gobolka xeebta ayaa sheegay in uu dhacay 2:40 Am, iyadoo dadkii ku  dhaawacmayna loo qaaday goobaha caafimaadka.

Saraakiisha ciidamada waddooyinka ee dalka Kenya ayaa sheegay in  saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay ay Toban shil ka dhaceen dhabbaha  isku xira Nairobi iyo Mombasa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]