Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale dood ka yeelanaya Sharciga Doorashooyinka
Talaado, December, 10, 2019
(HOL)- Kulan maanta oo Tallaaado ah ku yeelanayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka xaruntooda magaalada Muqdisho
ayeey mar kale dood ka yeelanayaa Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan
loo soo gudbiyay.
Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee sharciga doorashooyinka ayaa sharcigaan u
gudbiyey Golaha Shacabka, kaddib markii wadatashiyo ay kala soo sameeyeen Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.
Xildhibaannada ayaa Akhrinta Labaad marinaya
hindise Doorashooyinka Qaranka,waxaana xusid mudan in Sharciga doorashooyinka
qodobada qaar ay isku khilaafsan yihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa Sabtidii,Axadii iyo Isniintii waxaa ay yeesheen kulamo
is-xigxiga, waxaana kulankii ugu danbeeyay ay su’aalo ku weydiiyeen qaar ka mid
ah Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
iyo saraakiisha hay’addaha socdaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]