4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2019
Wasiirka Biyaha Somaliland ayaa sheegay in 5 milyan oo Dollar la gelinayo biyaha magaalada Laascaanood

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wefti uu hogaaminayo oo soo gaadhey magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay qorshaysay xukuumafiisu in biyo nadiifa magaalada loo helo.

"Waxaan maanta ku dhawaaqayaa in dhaqaale dhan 5 milyan oo dolar oo horumarin ah dawladu uga qoondaysay sidii biyo loogu heli lahaa magaalada Laascaanood" sidaana waxaa yidhi Koore oo la hadlayey dad badan oo soo dhoweeyey Hotel Xamdi oo ku yaala bariga magaalada.

Wasiirka oo soo dhoweyntiisa la odhan karo waa mid si aad ah looga soo sheqeeyey oo boqolaal gaadiid ah ay ka qayb qaateen ayaa dadweynaha ugu bishaareeyey in guri kasta la gaadhsiin doono biyo gelin.

Masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo oo soo dhoweynta ka qayb ahaa ayaa waxay sheegeen in ay baahida biyood ee degmada ka jirta ay Sabab u tahay sida buuxda ee loogu soo baxay soo dhoweynta Wasiirka Biyaha Somaliland.

Qaar ka mid ah waxgradka gobolka Sool, ururada bulshada oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey Wasiir Koore waxaanay xusayeen in ay ka rajeynayaan xal u helista baahida biyood ee degaankooda ka jirta.

Baadigoobka biyo nolosha ku haboon oo soconayey labaatankii sano ee la soo dhaafay laga wadey magaalada Laascaanood taas oo ay wasiiro badan oo hadana degaankan ka soo jeeda ay ku guuldaraysteen ayaa haatan la is weydiinayaa Koore ma ku guulaysan doonaa.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool