Xisbiga WADDANI oo ka hadlay xaalada guud ee Somaliland ka jirta iyo dhaliilo uu usoo jeediyey xukuumadda
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Xisbiga
mucaaradka ah ee WADANI ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha
doorashooyinka, cabashada ka taaggan dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub iyo
hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu.
Afhayeenka xisbiga WADANNI Barkhad Jaamac
Batuun ayaa sheegay in dimuqraadiyadii iyo doorashooyinkii Somaliland dunida ka
iibin jirtay meesha ka baxayo, waxaanu ku dhaliilay xukuumadda siday wax u
wadaan.
“Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo
baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayaynu citiraaf ka raadina waxaynu
citiraafka ku raadina dal dimuqraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi
waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu
dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse
sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo
nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta
aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo,”ayuu yidhi Barkhad Batuun.
“Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye
haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii
aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka
inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi
taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay.”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Xisbiga WADANI waxa uu ka hadlay cabasho ka timid
dhul xukuumaddu ay doonayso inay ka dhisto madaxtooyo cusub, taas oo odayaal
reer Hargeysi ahi sheegteen dhulkaasi inay iyagu leeyihiin.
“Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii
aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku
haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay
beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna,
xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna
arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo
haddii aad Qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka
yimaaddo si Qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo
waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda Qarannimo in aad ka
dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna,” ayuu yidhi Barkhad.
Waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay
dejiso siyaasad isu dheelli tiraysa hoos u dhacay ku yimid Doollarka iyo Sicir
bararka oo wali taaggan “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira
madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa
xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo
dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya”.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.