Madaxweyne Biixi oo xadhiga ka jaray saddex Wiish oo qaadi kara 120 Tone oo alaaba oo dekadda loo keenay
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga uga jaray saddex
wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta
badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.
Saddexdan wiiish (Mobile Harbor Crane) ee cusub
ayaa loo keenay dekedda Berbera, kuwaas oo qaadi kara 120 tone (Boqol iyo
labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo
dollar, waxaana xadhig ka jarista Wiishashkan ka soo qaybgallay
Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda
sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xubno ka mida axsaabta xisbiyada
qaranka, Maareeyaha dekedaha, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, madaxda shirkadda
DP World, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid
Xasan Cabdilaahi ayaa faahfaahiyey horumarka ay ku tallaabsatay dekedda Berbera
iyo sida meesha looga saaray baahiyihii badnaa ee ka jiray dekedda.
Maareeyuhu waxa uu ammaanay tallaabada dekedda
lagu keenay wiishashka cusub ee uu sheegay inay suurogelinayaan inay dekeddu
isku filnaato marka la eego dhinaca rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee
dekedda kasoo dega iyo kuwa ka dhoofaba, islamarkaana ay wiishashkani yihiin
kuwa ugu casrisan ee ay isticmaalaan dekedaha dunidu.
Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee
gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna oo isaguna munaasibadda
xadhigga lagaga jaray wiishashka cusub ee dekedda Berbera la keenay, ayaa
caddeeyey inay shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda
Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta
dekedaha deriska, islarkaana ay ku hawlan yihiin ballaadhinteeda iyo
horumarinteedaba.
Madaxweyne Biixi ayaa sharraxay horumarka is
xig-xiga iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera
iyo sida ay usoo jiidanayso indhaha caalamka iyo kuwa bulshada deriskaba,
waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waa taariikh nool oo
aynnu joogno in dekeddii la ballaadhinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo
higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho
ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa
wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.”
Waxaanu intaas ku daray “Somaliland oo dhan waxa
ku waajib ah inaynu Ilaahay u mahadnaqno oo aynnu keenno caqligii aynnu
ummaddaas oo dhan ku hanan lahayn, marka aynnu bani’aadamka soo dhaweynno ee
aynnu wax la qaybsaynno ee dadku inagu soo dhiirrado ee uu ina aamino ayeynu horumar
samayn karnaa,”
Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu kormeer kooban
ku sameeyey dekedda cusub ee shirkadda DP World ka waddo Berbera oo cabbirkeedu
dhan yahay 400M (Afar Boqol oo mitir),taasi oo dhismaheedii ka socdo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.